Maxaa ka jira in diyaaradaha dagaalka ee Drone uu Turkigu geeyay dalka Soomaaliya?

Waxaa maalmihii la soo dhaafay soo baxayay warar la isla dhex marayo oo sheegaya in dowladda Turkigu ay siisay dowladda Soomaaliya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaanno TB2 ee uu Turkigu sameeyo.

Wararka oo aan la xaqiijin ama aysan jirin cid si rasmi ah u sheegta ayaa waxa ay sheegayaan in Turkigu uu bilaabay in uu tababar ah sida loo isticmaalo diyaaradahan uu siiyo ciidamada Soomaaliya.

Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaan beeneyn amaba xaqiijin wararkan sheegaya in diyaaradahan la geeyay dalka Soomaaliya.

Diyaaradan Bayraktar TB2 oo lagu farsameeyo dalka Turkiga ayaa ayaa loogu talagalay fulinta weerarada iyo howlaha basaasnimada.

Hase yeeshee lama oga in diyaaradahan ay ka qeyb qaadan doonaan dagaalada ay dowlada Soomaaliya kula jirto ururka Alshabaab iyo in kale.

Waxayna diyaaradahan hore ugaga howgaleen wadamo ay ka mid yihiin Turkiga,Siiriya,Azerbajan iyo Itoobiya.
Dagaalka ay guulaha ka gaareen dhawaan ciidamada Itoobiya ayaa la sheegay inay sabab u ahaayeen diyaaradhan aan duuliyaha lahayn ee laga leeyahay dalka Itoobiya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More