Wararkii u dambeeyay xiisad dagaal oo ka tagaan deegaanka Kax-xandhaale ee gobolka Galgalduud

Xiisad dagaal ayaa saaka waxa ay ka taagan tahay deegaanka Kax-Xandhaale ee gobolka Galgaduud iyadoo laga cabsi in markale uu dagaal ka dhex qarxo maleeshiyo beeleed halkaas ku sugan.

Maleeshiyo beeleedkan oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa waxaa shalay dagaal dhex maray ku dhinten dad ku dhow toban ruux halka tobaneeyo kalana ay ku dhaawacmeen.

Dhaawacyadda labada dhinac ayaa lakala gaarsiiyay Isbitaaladda ku yaala degmooyinka Caabudwaaq iyo Guriceel ee Gobolkan Galgaduud.

Waxaana dagaalku uu salka ku hayaa falal aargoosi iyo aano qabiil ah oo muddo dheer u dhexeysa beelo kala dega degmooyinka Balanbale iyo Guriceel.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa sheegay in Dowlad-Goboleedkiisu awood uu adeegsanayo wax ka qabashada dagaal beeleedka ka socda Deegaanno u dhaxeeya Balanbale iyo Guriceel ee Gobolka Galgaduud.
Axmed Shire Falagle wasiirka warfaafinta Galmudug ayaa dhinacyada dagaalamaya u soo jeediyay in ay joojiyaan dagaalka.

Dagaalada ka dhaca gobolka Galgaduud ayaa waxaa uu salka ku hayaa falal aargoosi iyo aano qabiil ah oo muddo dheer ka jirey beelaha dega gobolka Galgaduud.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More