Mudaharaadyada looga soo horjeedo dagaalka Qaza oo ku sii fidaya jaamacadaha Maraykanka

April 27 (Jowhar.com)-Mudaaharaadyo loogaga soo horjeedo weerarada ay ciidamada Israa’il ku hayaan magaalada Qaza islamarkaana ku baaqaya in jaamacadaha ay qaadacaan shirkadaha iyo shakhsiyaadka xiriirka la leh Israa’iil ayaa waxaa ay ka dhaceen jaamacado ku yaal magaalooyin badan oo dalka Maraykanka.

Teendhooyin waaweyn oo ay ardaydu dhiseen iyo mudaaharaadyada ayaa markii ugu horreysay ka bilowday Jaamacadda Columbia ee New York, balse waxa ay ku sii fideen meelo kale oo dalka Maraykanka ka mid ah.

Arday ayaa lagu xiray xarumaha ku yaala Los Angeles, California iyo Atlanta, Georgia.
Magaalada Austin ee gobolka Texas, guddoomiyaha ayaa ku amray ciidamada gobolka inay xiraan dibadbaxayaasha.

Iyada oo mudaaharaadyadu ay hadda ka socdaan in ka badan labaatan xarumood, halkan hoose ka aqriso qaar ka mid ah kuwa ugu waaweyn ay ka dhacayaan:

Jaamacadda Columbia

Columbia waxay ahayd jaamacadii ugu horeysay ee laga bilaabay mudaaharaadyada isla markaana ardaydu ay dhisteen teendhooyin ay ku muujiyaan fikirkooda.
In ka badan 100 mudaaharaadayaal ah ayaa la xiray todobaadkii hore ka dib markii gudoomiyaha jaamacadda Ivy League uu ka codsaday booliska inay nadiifiyaan goobta mudaaharaadka.

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga, oo gabadheeda lagu xiray Columbia, ayaa BBC-da u sheegtay in dhaqdhaqaaqu uu ku bilaabatay dhowr arday balse si degdeg ah ay u faafeen xarigga ballaaran ee loo geystay.

“Tani waa dhaqdhaqaaq ku bilowday 70 arday oo kaliya,” ayay u sheegtay BBC News iyadoo joogta Columbia Khamiistii.

Magaalada Atlanta, dhowr iyo toban mudaaharaadayaal “aan xiriir la lahayn” Jaamacadda Emory ayaa teendho ka dhistay xarunta subaxnimadii Khamiista,sida uu sheegaymaamulka dugsiga.

Maamulayaasha ayaa sheegay in kooxda dhigeysay banaanbaxa ay markii dambe ku biireen xubno ka tirsan ardayda jaamacadda. Laakiin markii mudaaharaadayaashu ay diideen inay kala dareeraan, Waaxda Booliska Emory waxay qabteen oo xabsiga dhigeen dhowr iyo toban qof xabsiga.

War saxaafadeedka laguma cadeyn tirada la xiray iyo eedeymaha lagu soo oogi karo tuhmanayaasha.

Jaamacadda Koonfurta California

Go’aanka ay qaadatay Jaamacadda Koonfurta California ee lagu baabi’iyay xaflad qalinjebin oo la qorsheeyay inay dhacayso 10ka bisha May ee sanadkan ayaa dhaliso carro weyn oo ay muujiyeen ardaydu.

Xafladda ayaa la filayey in ay ka soo qayb galaan ilaa 65,000 oo qof oo ku sugan xarunta.
Jaamacaddu waxa ay sheegtay in baajintan ay sabab u tahay khataro aan la cayimin oo loo geysan karo amniga jaamacadda. Arbacadii, Qeybta Booliska Los Angeles ayaa xiray 93 arday.

Jaamacadaha aagga Washington, DC

Boqolaal arday iyo macalimiin ah ayaa socod ku maray Jaamacadda Georgetown ilaa Jaamacadda George Washington ee u dhow, halkaas oo xero laga sameeyay Khamiistii.

Ugu yaraan 20 teendho ayaa laga dhisay xarunta jaamacada ee sida caadiga ah degan ee waqooyi galbeed DC.

Jaamacadda Maraykanka ee u dhow, koox arday ah ayaa ku mudaharaaday bannaanka xafiiska guddoomiyaha dugsiga Arbacadii. Ma jirto cid loo qabtay

Jaamacadda Texas

Booliska ayaa sheegay in 57 qof lagu xiray habeenimadii Arbacada Jaamacadda Texas (UT) ee Austin.

Ciidamo xiran qalabka rabshadaha ayaa la arkayay iyagoo isticmaalaya baaskiiladooda si ay dib ugu riixaan dibadbaxayaasha.

Guddoomiyaha Jamhuuriga Texas, Greg Abbott, oo u yeeray ciidamada, ayaa soo dhigay bartiisa X in mudaaharaadyadu yihiin kuwo nacayb xambaaarsan, wuxuuna ku baaqay in ardayda mudaharaadaysa la eryo.

Dimuqraadiyiinta gobolka ayaa ku eedeeyay inuu xariga ballaaran u adeegsaday xayeysiis olole.

Ciidanka qaranka ee gobolka ayaa soo saaray bayaan ay ku beeninayaan in la soo abaabulay si ay ardayda u xiraan.

Jaamacadda New York

Isniintii, booliisku waxay xireen 120 qof kuwaas oo teendho ka dhistay bartamaha magaalada Manhattan.Dhammaan dadka la xiray marka laga reebo afar ayaa lagu eedeeyay inay ku xad-gudbeen.

Jaamacadda Harvard

Arbacadii, xeryo ayaa laga sameeyay Harvard Yard ka dib markii maamulka jaamacada uu joojiyay kooxda ardayda lamagac baxday Harvard Undergraduate Palestine Solidarity Committee.

Madaxweynaha Harvard ayaa diiday in uu meesha ka saaro in uu booliiska ka codsaday in ay ka jawaabaan.

Sidoo kale, Mudaaharaadyada ayaa lagu arkay ugu yaraan labaatan jaamacadood, iyo xitaa qaar ka mid ah dugsiyada sare ee Maraykanka.

Magaalada Boston, 108 qof ayaa lagu xiray Jaamacadda Emerson subaxnimadii hore ee Khamiista, taasoo keentay in jaamacadda ay joojiso xiisadaha. Afar askari oo booliis ah ayaa ku dhaawacmay mudaharaadka.

Connecticut, mudaaharaadyo ayaa ka socda Jaamacadda Yale, xitaa way ka socdaan ka dib markii 48 qof la xiray Arbacadii. Dhammaan dadka la xiray marka laga reebo afar waxay ahaayeen ardayda wax ka baratay jaamacadda Yale.

Talaadadii, ardayda dugsiyada sare ee aagga Seattle ayaa ka baxay fasallada iyaga oo ka soo horjeeda dagaalka.

Xigasho;BBC

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More