Xuutiyiinta oo Gantaal ku dhufatay markab marayay Badda Cas

April 27 (Jowhar.com)-Ururka Xuutiyiinta Yemen ayaa aroornimadi hore ee Sabtida maanta ah sheegay, in ay gantaal ku dhufteen markab shidaal waday oo marayay Badda Cas.

Taliska Dhexe ee Mareykanka ayaa xaqiijiyay in Xuutiyiinta oo ah urur taageero ka hela Iran, ay saddex gantaal oo ah nuuca baalistiga ah oo ay kasoo tuureen gudaha Yemen, ku dhufteen markabka isla markaana ay markabka Andromeda Star soo gaartay waxyeello yar.

Milatariga Mareykanka waxay kaloo sheegeen, in gantaal kale uu ku habsaday markab kale oo lagu magacaabo MV Maisha, balse aysan waxyeello kasoo gaarin gantaalka.

Afhayeenka Xuutiyiinta, Yaxya Sariic ayaa sheegay, in markabka ay duqeeyeen Andromeda Star uu watay calanka Panama isla markaana laga leeyahay dalka Britain, laakin xog kale ayaa sheegeysa in dhawaan markabka la iibiyay.

Markabkaasi ayaa kasoo baxay Primorsk, Russia, kuna sii jeeday magaalada Vadinar, ee dalka Hindiya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More