Inkabadan 41 Kun arday oo u fariisatay Imtixaanka Shahaadiga Fasalka 8-aad ee Muqdisho

Jun 08(Jowhar)Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka bilowday qaadista imtixaanka Shahaadiga Fasalka 8-aad ee Dugsiga Dhexe oo ay qaadeyso wasaarada Waxbarashada xukuumada Soomaaliya.

Sida Duqa Muqdisho Muungaab uu sheegay, Tirada Guud ee Ardeyda u fariisatay Imtixaanka Shahaadiga Fasalka 8-aad ee Dugsiga dhexe ee gobolka Banaadir waa 41,639 Ardey.

22,778 waa Wiilal, halka gabdhaha ay yihiin 18,860 Ardey, iyadoo Dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee Imtixaankaan gashayna ay yihiin 32 Ardey

Agaasimaha Waxbarashada gobolka Banaadir ayaa warbaahinta u sheegay in 108 xarumood oo caasimadda ah uu ka dhacayo Imtixaanka oo qorshuhu yahay in lasoo afmeero maalininada Khamiista.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More