Madaxweyne Trump oo dalkiisa ka mamnuucay iney galaan 12 dal oo Soomaaliya ay ku jirto

Jun 05 (Jowhar) Madaxweynaha Mareykanka Donald J. Trump ayaa saxiixay amar cusub oo mamnuucaya muwaadiniinta 12 waddan in ay soo galaan Mareykanka, isagoo ku sababeeyay talaabadaasi in ay tahay mid lagu difaacayo amniga qaranka iyo in laga hortago “argagixisada shisheeye”.

Amarkan ayaa dhaqan gelaya 9-ka Juun 2025, 12:01 subaxnimo (EDT), wuxuuna qeyb ka yahay siyaasadaha socdaalka ee cusub ee Trump ku dhawaaqay bilowgii xilkiisa labaad.

Dalalka La Mamnuucay

Waddamada laga mamnuucay in ay dadkooda u safraan Mareykanka waxaa ka mid ah:

Afghanistan, Myanmar, Chad, Congo, Equatorial Guinea, Eritrea, Haiti, Iran, Libya, Somalia, Sudan iyo Yemen.

Sidoo kale, socdaalka muwaadiniinta Burundi, Cuba, Laos, Sierra Leone, Togo, Turkmenistan,iyo Venezuela ayaa si xaddidan loo oggolaan doonaa.

Sababta Talaabadan

Madaxweyne Trump ayaa sheegay in dalalkan:

Ay yihiin meelo ay si weyn uga jiraan kooxo argagixiso

Ayan la shaqeynin Mareykanka dhanka ammaanka fiisooyinka

Ay ku guuldareysteen in si hufan loo xaqiijiyo aqoonsiyada dadka safaraya

Ay la’yihiin nidaam sax ah oo lagu diiwaan geliyo dambiyada

Dadkooda ay yihiin kuwo ku sii nagaanaya Mareykanka xitaa marka fiisadoodu dhacdo

“Ma ogolaan karno in dal aan si badbaado leh dadkiisa u hubin karin, ay dadkooda si xor ah ugu yimaadaan Mareykanka,” ayuu yiri Trump.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More