Xaaladda Los Angeles oo kasii dareysa iyo Trump oo ciidan hor leh ku daabulay
Jun 10 (Jowhar) Guddoomiyaha California, Gavin Newsom, ayaa sheegay in uu helay warka ah in Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu u dirayo 2,000 oo askari oo ka tirsan Ciidanka Ilaalada Qaranka magaalada Los Angeles, kaddib markii ay dhaceen iska horimaaddo u dhexeeya mudaaharaadayaal iyo ciidamada ammaanka, taas oo la xiriirta weerarrada lagu beegsanaya dadka sida sharcidarrada ah dalkaas ugu sugan.
Madaxweyne Trump wuxuu sidoo kale sheegay inuu diri doono illaa 700 oo askari oo ah Marines.
Gavin Newsom wuxuu ku tilmaamay tallaabadan mid uu ku fulinayo “riyo waalan oo uu aaminsan yahay madaxweyne waddadii kali-talisnimo ku socda.”
Dhinaca kalena, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo guddoomiyaha gobolka California Governor Gavin Newsom ayaa ka dhex qarxay dagaal dhanka afka oo la isku adeegsaday baraha bulshada.
Trump oo dagaalka billaabay ayaa isagoo adeegsanaya bartiisa Social Truth wuxuu cay u dhaamiyey guddoomiye Newsom oo ku tilmaamay “waxmatare”, wuxuuna sheegay in la’aantiis California boodka lagula tuman lahaa, taas oo uu ula jeedo in haddii uusan ciidamada u soo dirin gobolka ay qabsan lahaayeen soogalooti.
“Guddoomiyaha waxmataraha ah iyo duqa Los Angels waa in ay iiga mahadceliyaan sidaan u bedbaadiyey, iyagoo leh ‘mudane, waad ku mahadsan.”
Gavin Newsom ayaa dhankiisa jawaab kulul ka bixiyey hadal ka soo yeeray Trump oo sheegay in ay fiicnaan lahayd haddii Newsom la xiri lahaa. Newsom ayaa hadalka ka soo yeeray Trump ku tilmaamay mid ka turjumaya waddada uu ku socdo oo ah “keligii talasnimo aan geed loogu soo gamban.” Guddoomiyaha California ayaa hanjabaadda Trump ku tilmaamay cabsigelin.