Xog kasoo korodhay shirkii mucaaradka iyo beesha caalamka

Jun 02 (Jowhar) Siyaasiyiiinta mucaaradka ah ee ku bahoobay Madasha Samata-bixinta Soomaaliyeed ayaa maanta kulan la yeeshay wakiillada Beesha Caalamka ee jooga Muqdisho, waxaana ay labada dhinac dood adag ka yeesheen siyaasadda dalka iyo aragtida mucaaradka ee ku wajahan sida ay wax u waddo dowladda Federaalka.

Ilo xogogaal ah ayaa noo sheegay in kulanka maanta uu ahaa mid aad uga duwan kuwii hore, iyadoo ay diblumaasiyiinta caalamku u muuqdeen kuwa qaba su’aalo badan oo ku saabsan mawqifka iyo doodahooda ay mucaaradku beryahaanba soo bandhigayeen.

Diblomaasiyiinta ayaa hoggaamiyayaasha mucaaradka la wadaagay sida aysan ugu muuqan farqi weyn oo u dhexeeya mucaaradnimadii shalay looga soo horjeeday maamulkii Farmaajo iyo tan maanta, waxaana ay tusaale u soo qaateen in waxa keliya ee isbeddelay ay yihiin shakhsiyaad xukuumaddi hore ku jira oo hadda mucaaradka noqday, iyo Madaxweyne Xasan Sheekh oo talada dalka qabtay.

Sidoo kale, diblomaasiyiintu waxa ay ku doodeen in dowladdu ay heysato sharciyad, go’aannada ay illaa iyo hadda gaartay oo ay mucaardku diidmada ka qabaanna ay u badan yihiin kuwa soo maray Baarlamaanka iyo hey’adaha sharciga ah ee u xilsaaran.

Dhinaca mucaaradka ayaa iyagana, sida aan warka ku helnay, waxa ay ka jawaabeen weyddiimaha diblomaasiyiinta, iyaga oo soo bandhigay doodo sharciyeed oo ay ku difaacayaan saxnimada mawaaqiftooda.

Wax ay xubnaha u hadlay mucaaradku ku dheeraadeen meelaha ay ka durayaan hannaanka sharciyeed ee loo maray wax-ka-beddelka dastuurka iyo go’aannada kale ee ay ka soo horjeesteen.

Ugu dambeyn, wakiillada caalamka ayaa adkeeyay mudnaanta ay dhankooda u leedahay in laga shaqeeyo wada-tashi guud oo lagu mideynayo awoodda Soomaaliyeed si guul looga gaaro dagaalka ka dhanka ah Argagaxisada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More