Maxkamad ku xukuntay dowlada Jarmalka in si sharci darro ah u celisay Qaxooti Soomaali ah
Jun 02 (Jowhar)Maxkamad ku taal magaalada Berlin dalka Jarmalka ayaa xukuntay in Jarmalku jabiyay sharciga magangalyada kadib markii uu saddex dhalinyaro Soomaali ah uu dib ugu celiyay xadka dalka Poland oo ay ka soo gudbeen.
Talaabadan ay maxkamadu qaaday ee ah inay muhaajiriintan masaafuriso ayaa caqabad ku ah mawqifka cusub ee socdaalka ee Ra’iisal wasaare Friedrich Merz.
Saddexda qof ee magangalyo-doonka ah laba rag ah iyo hal dumar ah ayaa waxaa dib u celiyay booliiska xuduudka ee saldhigga tareenada ee Frankfurt an der Oder, oo ah magaalo ku taal xadka bari ee Jarmalka uu la wadaago dalka Poland.
“Si kastaba ha ahaatee, diidmadu waxay ahayd sharci darro sababtoo ah Jarmalku wuxuu ku qasban yahay inuu dhagaysto waxyaabaha ay shaqeeyo sheegashanayaan dadkan qaxootiga ah.” ayay maxkamaddu ku sheegtay hadal ay soo saartay.
Saraakiisha ayaa diidmadooda ku sababeeyay imaatinka magangalyo-doonka ee ka yimid wadan saddexaad oo nabdoon.
Laakiin maxkamaddu waxay go’aamisay in cayrinta ay tahay sharci-darro marka loo eego xeerarka Midowga Yurub, gaar ahaan xeerka Dublin, kaas oo u baahan Jarmalku inuu qiimeeyo sheegashada magangalya doonka.
Tan ayaa noqonaysa xukunkii ugu horreeyay ee sharci ah tan iyo markii isbahaysiga uu hoggaamiyo Merz uu xafiiska la wareegay bishii Febraayo, isagoo sheegay inuu qaadayo mowjad ka dhan ah soo galootiga.
Wasiirka arrimaha gudaha Jarmalka Alexander Dobrindt ayaa difaacay masaafurinta 3da ruux ee Soomaalida ah, isagoo sheegay in nidaamka magangalyada uu ku guuldareystay cadaadis.
“Tirooyinka aad ayey u badan yihiin. Waxaan ku adkeysaneynaa dhaqankeena,” ayuu u sheegay suxufiyiinta, isaga oo intaa ku daray in maxkamaddu ay heli doonto caddeymo sharci ah oo ku saabsan mowqifka dowladda.
Balse xildhibaanada mucaaradka ayaa si dhaqso ah uga jawaabay dib u celinta qaxootiga Soomaalida ah iyagoo taageeray go’aanka maxkamada.
Irene Mihalic oo ka tirsan Greens ayaa ku tilmaantay guuldaro daran ku dhacday xukuumadda Merz, iyadoo ku eedaysay inay ka gudubtay awooddeeda.
“Go’doominta xudduudaha waxay ahayd diidmada nidaamka Dublin ee Yurub waxayna meel uga dhaceen deriskeenna Yurub,” ayay tiri.
Karl Kopp, oo ah agaasimaha maamulka Pro Asyl, oo ah koox u dooda arrimaha socdaalka, ayaa sheegay in ceyrinta Soomaalida ay ka turjumeyso dhaqan aan sharci ahayn ee siyaasadda magangalyada wuxuuna ku baaqay in soo galootiga la ceyriyay ay ku laabtaan Jarmalka, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.
Bishii la soo dhaafay, guddiga Yurub ayaa soo jeediyay hannaan ballaaran oo u oggolaanaya waddamada xubnaha ka ah inay diidaan magangelyo-doonka soo maray waddan saddexaad oo ammaan ah.
Tallaabadan, oo ay si weyn u dhaleeceeyeen kooxaha xuquuqul insaanka, ayaa weli sugaya ansixinta baarlamaannada qaranka iyo sharci-dejinta Yurub.