Puntland oo war ka soo saartay iscasilaadda gudoonka Guddiga Doorashooyinka Puntland (TPEC)

Maamulka Puntland ayaa ka hadashay iscasilaadda ay shalay ku dhawaaqeen Guddoomiyaha iyo Kuxigeenka Guddiga Doorashooyinka Kumeelgaarka ah ee Puntland (TPEC).

Qoraal ka soo baxay Wasaarada arrimaha gudaha Puntland, ayaa lagu cadeeyay iney ka xun tahay go’aanka ay qaateen Guddoomiye Guuleed Saalax iyo Kuxigeenkiisa Jaamac, balse waxa au hoos u dhigtay saameynta ay talaabadaas ku keeni karto qorshaha doorasho qof iyo cod looga sameynayay deegaanada maamulka Puntland.

 

“ Puntland waxaa ay u idmantahay ka guul gaarista hirgelinta doorashooyinka. Sidaa darteed, iscasilaadda Madaxda Guddiga Doorashooyinka ma ahan mid saameynaysa ka go’naashaha dadka iyo Dowladda Puntland in laga guul gaaro hirgelinta iyo dhammeystirka Doorashooyinka hal qof iyo hal cod” ayaa lagu yiri qoraalka wasaarada arrimaha gudaha.

 

Gudoomiye Guuleed ayaa mudo labo sano iyo bar gudoomiye ka ahaa TPEC, oo shaqadeedu tahay inay Puntland ka qabato doorashooyinka Golayaasha degaanka, si nidaamka dimuqraadiga loogu gudbo kuna guuleystay wajiga horey oo lagu tijaabiyay doorashooyinkii horudhaca ahaa ee Ufeyn, Qardho iyo Eyl.

Xubnaha sare ee Guddiga ku meelgaarka doorashada Puntland ayaa durba iska dhex-doortay Gudoomiye iyo Gudoomiye ku xigeen KMG ah saacado yar kadib iscasilaadii gudoonka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More