Wararkii u danbeeyay weerar lagu qaaday saldhig ciidamada Itoobiya ku leeyihiin gobolka Bakool

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay weerar madaafiic ahaa oo Kooxda Al-Shabaab saqdii dhexe ee xalay ay ku qaadeen saldhig ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin degmadaWaajid ee gobolka Bakool.

Dadka deegaanka ayaa sheegay ineysan xalay ka seexan madaafiic aan kala go’ leheyn oo lagu soo qaaday degmada, iyadoo ciidanka Itoobiya ay ku jawaabeen madaafiic culus oo ay u qeybiyaan jihooyinka magaalada.

Qoraal ka soo baxay Shabaab oo lagu faafiyay baraha lagu taageero ayaa lagu sheegay in 13 madaafiic ah ay ku weerareen saldhig weyn oo ciidamada Itoobiya kaga sugan yihiin degmadaWaajid oo kamida meelaha ay go’doonka gelisay kooxdan.

Maamulka degmada iyo saraakiisha ciidamada Ayaan wali ka hadal weerarka xalay, waxaase jira warar sheegayaan in xiligan xarunta degmada uu uga socdo kulan looga arinsanayo ka hortagida weerarada noocan oo kale ah, iyadoo aan la soo sheegin khasaaraha rasmiga ah eek a dhashay.

Howlgallada al Shabaab ee gobollada Bay iyo Bakool ayaa maalmihii la soo dhaafay ahaa kuwo is daba jog ah, kaddib markii ay yaraadeen howlgallada ciidanka dowladda ay ka sameyn jireen waddooyinka isku xira deegaannada ay ciidanka ka joogaan gobollada Koonfur Galbeed

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More