Qaramada Midoobay oo ka hadashay xarriga loo geysanayo qowmiyada Tigreega

Warbixin ay soo saartay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqul insaanka ayaa lagu sheegay in ugu yaraan 1,000 qof, oo u badan qowmiyadda Tigreega, la xiray tan iyo markii ay dowladdu ku dhawaaqday xaalad degdeg ah 2-dii November.

Sida uu qabo xaaladda degdegga ah ee lixda bilood ah, mas’uuliyiintu waxay awood ballaaran u leeyihiin inay dadka xiraan, tuhmanayaasha iyagoo aan maxkamad la soo taagin, iyo inay guryaha baaraan amar la’aan.

Wakiilka Sare ee Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Aadanaha ayaa sheegay ugu yaraan 1,000 qof ayaa la rumeysan yahay in la xiray todobaadkii la soo dhaafay ama wax ka badan – iyadoo wararka qaar ay muujinayaan tirada mid aad uga badan.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in xaaladaha xabsiyada ay guud ahaan liidato, maxaabiis badanna ay ku xiran yihiin saldhigyo boolis oo buux dhaafiyay.

Toban xubnood oo ka tirsan shaqaalaha Qaramada Midoobay kuwaasoo ka soo jeeda qowmiyada Tigreega ee la xiray 9kii Noofambar ayaa weli xabsiga ku jira.

“Inta badan kuwa la xiray waxaa lagu soo waramayaa inay yihiin dad asal ahaan ka soo jeeda Tigray,ayna taageerayaan Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF),” ayay tiri Qaramada Midoobay.

Horey ayay booliisku sheegeen in xariga dadkan la xirxiray uusan ahayn mid salka ku haya isir balse uu ahaa mid lagu bartilmaameedsanayay taageerayaasha kooxda TPLF oo dagaal adag kula jirta dawlada federalka ah sanadki lasoo dhaafay hadana kusoo wajahan caasimada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More