Qarax Ismiidaamin ah oo lagu weeraray degmada Maxaas oo uu ku sugan yahay madaxweyne Xasan

Sep 05 (Jowhar.com)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in goordhow halkaasi uu ka dhacay qarax xooggan oo Ismiidaamin ahaa, kaasoo jugtiisa laga maqlay xaafado badan oo magaaladaasi kamid ah.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in qaraxa uu ka dhacay afaafka hore ee bar-kontrol oo ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS ay ku leeyihiin halka laga soo galo degmada Maxaas oo ah halka laga hagayo howlgalka ka dhanka ah Shabaab.

Dad goobjoogayaal ah ayaa kusoo waramay in ciidamadan ay ka hor-tageen gaariga qaraxyada ay ka buuxeen oo la damacsanaa in lagu dhibaateeyo shacabka gudaha magaalada ku sugan.

Xiliga qaraxa uu dhacayay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku guda jiray hadal jeedinta askar la doonayo iney guluf ka dhan ah Shabaab qaadaan, isagoo iska sii watay khudbadiisa, xili jugta qraaxa si culus looga maqlay goobta uu askarta kula hadlayay.

Si kastaba, Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa tegay qaar ka mid ah xeryaha ciidanka ee Maxaas halkaas oo uu kulamo kula  qaatay ciidanka xoogga dalka iyo Macaawisleyda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More