Qarax xooggan oo ka dhacay magaalada Muqdisho iyo booliska oo war kasoo saaray

Apr. 16 (Jowhar.com)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in saaka uu qarax xooggan ka dhacay degmada Xamar Jajab, kaasoo dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Qaraxa ayaa saarnaa Mooto Bajaaj ay wateen xubno la sheegay iney Shabaab yihiin, iyagoo qaraxa uu dhacay xili ay raacdeysanayeen ciidamadda amaanka ee gobolka Banaadir.

War kasoo baxay booliska ayaa lagu sheegay in qaraxa ay ku naf waayeen saddex Shabaab ah oo Mootada saarnaa, halka uu dhaawac soo gaaray qof shacab ah.

“Degmada Xamar Jajab, ayaa dhagarqabayal saarnaa mooto Bajaaj, ay soo jiireen bar lagu hubiyo gadiidka, iyada oo la raacdeynayo ayeey bajaajtii ku qaraxday Waaxda Gen Daa’uud, dhartoodii ay la damacsanayeen Ummadda Sooman.

Ayaa iyagii ku laabtay waxaana goobta ku halaagsameen 3 dhagarqabe. Halka, qof muwaadin ah oo wadada marayaay uu dhaawac fudud ka soo gaaray iyo Burbur kooban oo soo gaaray guryaha laamiga ku teedsan” ayaa lagu yiri warka booliska.

Warar kale waxa ay sheegayaan inuu jiro khasaare kale oo qaraxaasi uu u geystay dhalinyaro ciidanimo loo qorayay oo ku sugnaa iskool Poluzia.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More