Ra’iisul wasaare kuxigeenka dalka oo shir madaxeedka Midowga Afrika uga qeyb galay Niger.

Nov. 25 (Jowhar.com) -Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ka qayb galay shirka madaxeedka Midowga Afrika ee ku saabsan warshadaynta iyo isu dheelli-tirka dhaqaalaha oo ka dhacay caasimadda dalka Niger ee Niamey.

Madaxda shirka kasoo qeyb gashay ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in Qaaradda Afrika gaarto isku filnaansho dhaqaale isla markaana la dardar geliyo wax soo saarka iyo warshadaynta iyadoo la isu dheelli-tirayo maalgashiga.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa sheegay in horumarinta warshaduhu ay lagama maarmaan u tahay in Afrika ay horumarto iyadoo ka faa’iidaysanaysa kheyraadkeeda iyo ballaarinta ganacsiga ka dhexeeya dalalka Afrika.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More