Ra’iisul Wasaare Rooble oo cambaareeyay dilka xildhibaan Amreyna baaritaan deg-deg ah

Mar 23 (Jowhar.com) -Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii caawa lagu diley Allaha u Naxariistee Aamina Maxamed Cabdi.
Qoraal uu soo dhigey bartiisa Facebook ayuu ku yiri Ra’iisul Wasaare Rooble; “Waxaan erayada ugu adag ku cambaareynayaa falkii argagixiso ee caawa lala beegsaday Allaha u naxariistee xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo lagu dilay Baladweyne.”

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ka tacsiyeeyay geerida marxuumada; “Waxaan murugada la qeybsanayaa ugana tacsiyeynayaa qoyskeedii iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed geerida Xildhibaan Aamina.”

“Waxaan farayaa hay’adaha amniga ee ku shaqada leh in ay baaritaan waafi ah ku sameeyaan sidii uu u dhacay falkan waxshinimo ee lagu dilay xildhibaanadda.Xildhibaan Aamina oo tusaale u ahayd matalaadda shacabka iyo baadi doonka caddaaladda, waxay dadkeeda iyo dalkeeda ugu soo shaqeysay sida ugu wanaagsan ee karaankeeda ah.”ayuu yiri Rooble.

Waxaan Eebbe uga baryayaa in uu jannadii Firdows ugu deeqo, ehelkeeda iyo ummadda Soomaaliyeedna samir iyo iimaan ka siiyo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More