Ra’iisul wasaare Xamse oo Lafta–Gareen kala hadlay dhismaha xukuumadiisa cusub.

June 28 (Jowhar.com)-Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa xalay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho kula kulmay madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen, iyagoo qaatay kulan arrimo badan looga wada hadlay.

Lafta-Gareen oo hoygiisa ugu tagay ra’iisil wasaaraha ayaa ugu hambalyeeyay in uu helay kalsoonida Golaha Shacabka, wuxuuna u rajeeyay in Eebbe la garab galo waajibaadka qaran ee hor yaalla.

“Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa caawa hoygiisa ku soo booqday Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre, isagoo ugu hambalyeeyay in uu helay kalsoonida Golaha Shacabka, una rajeeyay in Eebbe la garab galo waajibaadka qaran ee hor yaalla” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Ra’iisul wasaare Xamse oo dhawaan si aqlabiyad leh codka kalsoonida uga helay golaha shacabka ayaa haatan ku mashquulsan sidii uu u soo dhisi lahaa xukuumad tayo leh, waxaana uu waday latashiyo uu la yeelanayo dhinacyo ay kamid yihiin madaxda maamul goboleedyada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More