Shabakad argagixiso ah oo dilal geysatay oo lagu qabtay gobolka Sool.

Nov. 26 (Jowhar.com) -Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ayaa sheegaya in ciidamadda amniga ay gacanta kusoo dhigeen Shabakad argagixiso ah, kuwaasoo hore dilal qorsheysan uga geystay gobolkaasi.

Howlgalkan qorsheysan oo laga sameeyay magaalada Laascanood ayaa wararka soo baxaya waxay sheegaya in kooxda gacanta lagu soo dhigay ay iska caabin kala hortageen ciidamadda Somaliland, iyadoo intii uu dagaalka socday ay baxsadeen qaar kamid ah kooxihii weerarka lagu qaaday.

Ciidanka Booliska Gobolka Sool Oo Uu Hogaaminayo Taliyaha Qaybta guud ee Booliska Gobolka Sool Gaashaanle Dhexe Cali Axmed Shire, Ayaa hoggaaminayay howlgalkan, lama oga hadii uu jiro khasaare ka dhashay weeratkan iyo inta uu gaarsiisan yahay.

Booliska gobolka Sool ma sheegin tirada ay gaarsiisan yihiin kooxda ay gacanta kusoo dhigeen, iyagoo sheegay iney faah faahin guud bixin doonaan marka howlgalkan uu soo dhamaado, maadaama xubno baxsad ahaan wali lagu daba jiro.Shabakad argagixiso ah oo dilal geysatay oo lagu qabtay gobolka Sool.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More