Sheekh Shariif “Waxaan soo dhoweynayaa heshiiska laga gaaray rabshadihii ka dhashay muddo kororsiga”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta ayaa soo dhoweeyay heshiiska laga gaaray rabshadihii ka dhashay muddo kordhinta.

Qoraal la soo dhigay barta rasmiga ee Facebook Sheekh Shariif ayaa waxaa uu ku baaqay in aan marna la siyaasadeyn Ciidamada.

Halkan hoose ka akhriso:-

Waxaan soo dhaweynayaa heshiiska laga gaaray rabshadihii ka dhashay muddo kordhinta, anigoo codkayga ku biirinaya in ciidamada qalabka sida ee geesiyayaasha aan marna la siyaasadeyn oo ay ku laabtaan xarumahoodii”.

Waxaan kaloo bogaadinayaa dadaalada Ra’iisul Wasaaraha oo aan ka rajeyneyno in heshiis laga gaaro doorashooyinka iyadoo lagu saleynayo heshiiskii 17 September.

Waxaan ku celinaynaa markale in gacmaha la isku qabsado sidii looga gudbi lahaa marxaladdan adag ee kala guurka, iyadoo wax kasta lagu bixinayo dib uheshiin, isqancin iyo isku tanaasul.

Waxaan u mahad celinayaa guddiyadii kasoo shaqeeyey heshiiska iyo maamulada xubnaha ka ah dowladda dhexe, iyo sidoo kalena saaxiibada caalamka ee waqtiga ku bixiyay in lagu laabto heshiiskii 17 September 2020.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More