Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo maanta Muqdisho ka furmayo

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa gelinka danbe ee manta la filayaa inuu ka furmo magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay qaban qaabidiisa ay sooctay.

Muqdisho waxaa ku sugan madaxweynayaasha maamulada Puntland, Jubaland, Hirshabelle, Galmudug iyo Koofur Galbeed, iyadoo xal hoose laga gaaray caqabado yar oo ku horgudbanaa jaangoynta xiliga rasmi ahaan shirka furmayo.

Ra’iisul wasaare Rooble, ayaa xalay la kulmay madaxweynayaasha maamulada taabacsan Farmaajo ee Galmudug, Hirshabelle iyo Koofur Galbeed, iyagoo u xaqiijiyay iney diyaar u yihiin ka qeyb galka shirkan oo u jeedkaasi ay halkan u yimaadeen.

Arrimaha ugu culus ee shirka hareyn doonta waxaa qeyb ka ah sixida Habraacyada, Xulista Ergada, Yareynta Samaeynta Madaxda Maamul Goboleedyada, Kaalimaha SIET, FIET/EDRC iyo sameynta Jadwal Doorasho oo Cusub oo waqtigiisa aan dhaafin.

Si kastaba, waxaa dhicisoobay qorshe ay waday Villa Somaliya oo ay ku dooneysay sidii loo baajin lahaa shirkan, iyadoo sababta guuldarada isku dayadaasi ay eheyd taageerada beesha caalamka ay u muujiyeen Rooble iyo culeysyo ay ku saareen madaxda maamul goboleedyada iney shirkan ka qeyb galaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More