Soomaaliya oo qarka u saaran musiibo aan la arag.

Oct. 19 (Jowhar.com) -Hal qof oo ilmo yar ah ayaa daqiiqad kasta la seexiyaa isbitaallada daawaynta nafaqo-darrada Soomaaliya, halkaas oo abaar ba’an ay khatar ku tahay inay sababto dhimashada carruurta heerka dhimashadooda aan la arkin nus qarni, sida uu sheegay afhayeen u hadlay hay’adda UNICEF Talaadadii shalay.

James Elder oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Geneva ayaa sheegay in xaaladda Soomaaliya ay haatan u muuqato mid kasii liidata sidii ay ahayd sanadkii 2011-kii, markaas oo ay macluul u dhinteen inka badan 250,000 oo qof.

Afhayeenka UNICEF ayaa sheegay in Soomaaliya ay qarka u saaran tahay musiibo aan la arag, isagoo ku baaqay in gurmad deg deg ah oo dhinacyo kala duwan leh lala gaaro.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More