Guudlaawe oo shaaciyay xiliga la qabanaya saldhigga ugu weyn Shabaab ee Sh.Dhexe .

Oct. 19 (Jowhar.com) -Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa sheegey in Al-shabaab laga saaray deegaanno ka tirsan gobolka Shabellaha Dhexe sidoo kalena ay dhawaan isku furi doonaan furimaha dagaalka ee Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Madaxweyne Guudlaawe oo ku sugan deegaanka Raaga-Ceele ayaa sheegay in ujeedkooda uu yahay sidii ay u qabsan lahaayeen degmada Aadan Yabaal oo ah saldhigga ylugu weyn Shabaab ee gobolka Sh.Dhexe.

Ciidamadda dowladda iyo kuwa deegaanka ayuu tilmaamay iney haatan joogaan deegaanka Biyo Cadde, ayna uga sii gudbayaan Miirtaqwo, kadibna ay uga sii talaabi doonaan Ceelbaraf iyo Ceeldheere, halkaaso ay ka galayaan Aadan Yabaal oo ah meesha Shabaab ay ka soo abaabulaan duulaanada ay ka geystaan gobolada Hiiraan iyo Sh.Dhexe.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa dhanka kale tilmaamay in ciidamadda ku sugan Hiiraan ay iyaguna xadka ka soo tilaabayaan, si Shabaab nolosba loogu qabto oo aysan u baxsan, isagoo sheegay iney gacanta ku hayaan 3 Shabaab ah oo shalay howlgalo lagu qabtay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More