Waare oo Rooble ka dalbaday inuu fasoxo kuraasta Koofur Galbeed balse lagu dhago….

April 11 (Jowhar.com)- Madaxweynihii hore ee maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay khilaafka culus ee hareeyay arrimaha doorashada, si gaara ficilada ka dhashay go’aanka FEIT ay ku laashay natiijada doorashada Afarta kursi ee saddex kamida laga leeyahay Koofur Galbeed iyo halka kale ee Hirshabelle.

Wareysi uu bixiyay Waare ayuu ugu baaqay ra’iisul wasaare Rooble inuu ku fasoxo kuraasta Koofur Galbeed, isagoona sabab uga dhigay inaan doorasho la’aadi karin iyadoo ay maqan tahay maamul dhan, sababo ku aadan inuu dalka federaal yahay.

Mr. Waare ayaa tilmaamay inaanu kooramka buuxsami karin, iyadoo ay maqan yihiin xildhibaano ka badan 70 mudane oo labada aqal ah wuxuuna yiri “waxaan qabaa in kuraasta Koonfur Galbeed la fasaxo, Rooble waxaan leeyahay ha isku qaban arrimahaan isma lahane oo iska fasaxa kuraasta 3-da ah,” ayuu yiri Waare.

Madaxweynihii hore ee Hirshabelle ayaa dhinaca kale ka digay in la fasoxo kursiga uu Beledweyn ka soo qaatay lataliyaha amniga qaranka madaxweynaha Fahad Yaasiin Xaaji Daahir kaas oo sida uu sheegay horseed u noqon kara in dowladnimada dadka lagu sii dulmiyo, hadii la fasoxo oo uu Fahad baarlamaanka soo dhex fariisto.

“Kursigaasi eed badan ayuu qabaa, dhaawac, dil, qarax, dad la ilhaaneystay iyo ciidan la isku adeegsaday ayuu qabaa kursiga HOP#086, wuxuuna calaamad u yahay siyaasadda ah waan kaa xoog badanahay, saan rabo ayaana kaa yeelayaa, Iyadoo qarax ka dhacay Beledweyne oo dhaawaca iyo meydku banaanka yaallaan ayaa kursigaas la boobay, waxaa la yaqaan dadkii codeeyey cidda ay yihiin, hadii la fasaxo kursigaas waxay ka dhigan tahay inaan aqbalnay wax dadka Soomaaliyeed ku kala tegi karaan oo walaalnimada iyo islaanimada aan ku jirin.” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Hirshabelle.

Si kastaba, Fahad Yaasiin oo ku guul dareystay talaabooyin dhowr ah uunu aaaday in guddiga doorashooyinka ay shahaado siiyaan ayaa haatan dacwo u gudbistay maxkamadda sare ee dalka, taasoo aan la garaneynin iyadana waxa uu kala soo kulmi doono.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More