Wafdi sare oo ka socda Imaaraatka Carabta oo soo gaaray magaalada Muqdisho

June 09 (Jowhar.com)-Waxaa goordhow garoonka diyaaradaha Adan Cadde ee magaalada Muqdisho soo caga dhigatay diyarad siday wafdi sare oo ka socda dowladda Imaaraatka Carabta, kuwaasoo caasimadda u yimid ka qeyb galka caleema saarka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaalita Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay wafdigan uu hoggaaminayay Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Shakhbout Bin Nahyaan oo ka wakiil ah Madaxweynaha Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Sheikh Maxamed Bin Zayed Aala Nabyaan.

Wafdigan ayaa loo galbiyay goob gaar ah oo loo diyaariyay iyagoo kulan mudo kooban qaatay uu ra’iisul wasaaraha kula yeeshay qeybta VIP-da ee garoonka Muqdisho, wuxuuna kaga mahad celiyay booqashadooda.

Madaxda kale ee la sugayo waxaa kamid ah; Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Ra’iisul Wasaaraha Masar, Wafuud ka socota dowladaha Turkey, Sacuudiga, Qatar, Malaysia iyo dalal kale.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More