Wararkii u dambeeyay Gantaalkii Shiinaha oo dhulka ku soo dhacay

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in gantaalkii ka soo fakaday uu dhulka ku soo dhacay Badweynta Hindiya, gaar ahaan meel u dhow Jaziiradda Maldives.

Warbaahinta Shiinaha ayaa sheegtay in Gantaalkan uu dhulka soo gaaray axadii maanta, xilliga saacada Shiinaha aheyd 10:24.

Gantaalkan oo lagu magacaabo  Long March-5b ayaa ah sida gaari xamuul qaadi kara, waxaana bishii la soo dhaafay loo diray Saldhigga cusub ee Shiinaha ka sameystay hawada sare.

Hay’adda Maamusho Hawada sare ee dalka Mareykanka ayaa shegetay inay hubin doonaan gantaalkan iyo haddii uu saameyn u geysanayo dhulka ama biyaha.

Dalal badan ayaa ka cabsi qabay gantaalkan inuu ku soo dhaco meel ay dad ku nool yihiin.

Mareykanka ayaa ku eedeeyay Shiinaha in arrintan ay ku timid dayacaad uu sameeyay, isla markaana aanay wax mas’uuliyad ah iska saarin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More