Faafaahin ka soo baxaysa qoys uu ku so dumay guri ku yaal duleedka magaalada Muqdisho

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa khasaaraha ka dhashay derbi ku soo dumay qoys barakacyaal ah oo ku noolaa deegaanka Garasbaaley ee koonfurta magaalada Muqdisho.

Wararka waxa ay sheegayaan in qoyska oo ka koobnaa hooyo, shan caruur ah oo ay dhashay iyo ilmo kale oo la joogay inay geeriyoodeen.

Dadaalo lagu doonayay in lagu badbaadiyo qoyska ayaa guuldareystey iyadoo dadka deegaanka ee gurmadka u sameeyay ay aad uga naxeen dhibaatada ku dhacday qoyska.

Wararka ayaa waxaa ay intaa ku darayaan in illaa afar ruux oo kale oo deris la ahaa qoyska uu ku soo dumay darbiga ay dhaawacyo soo gaareen.

  1. Maalmo kahor ayay ahayd markii illaa sagaal ruux carruur ah ay ku dhinteen daadad ka dhashay roob ka da’ay magaalada Muqdisho.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More