Wararkii u danbeeyay dagaalka Suudaan iyo khadkii Internetka oo maqan

Apr. 24 (Jowhar.com)-Dalka Sudan, ayaa inta badan waxaa ka maqan khadka internet-ka, iyadoo dadka heli karaya ay gaarayaan 2%,” sidaasi waxaa sheegay maanta oo Isniin ah kormeeraha amniga internetka.

Wuxuu soo xigtay eedeymaha militariga, oo ku eedeeyey ciidamada la yiraahdo (RSF) inay waxyeeleeyeen isgaarsiinta caasimadda magaalada Khartoum horaantii Isniintii, taasoo saameyn ku yeelatay shabakadaha dalka.

Dadka deggan Khartoum, si kastaba ha ahaatee, ayaa waxay sheegeen in khadadka taleefanada ay weli yihiin kuwo shaqeynaya.

Shabakad rayid ah oo inta badan laga soo abaabulay Twitter-ka, ayaa dadweynaha siinayay wararka ku saabsan dagaalka, gaar ahaan talooyinka gargaarka la heli karo, iyo waddooyinka badbaadada leh.

Dagaalada ka socda Sudan, ayaa sababay in dalal dhowr ah ay ka daad gureeyaan dalkani diblumaasiyiintooda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More