Wasiir Beene-Beene “ Horumarinta iyo ballaarinta awoodda koronto nadiif ah, waxey innoo leedahay ahmiyadd gaar ah”

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha dowladda Federaalka Soomaaliya, mudane Maxamuud Cabdirahmaan Sheekh faarax (Beene-Beene) oo ka qeyb-galay daah-furka mashruuca horumarinta korontada dalka ayaa qeexay mashruucan korontada ee ay soo agaasintay Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha dowladda federalka ee Soomaaliya.

Wasiir Maxamuud waxa uu tilmaamay ahmiyadda u leedahay in la hergeliyo qorshaha Horumarinta Qaranka oo fududeynaya hannaanka hourmarinta korontada dalka, isla markaana ay hergeliso Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha halbeegyada kala duwan ee qorshaha qaranka ku jira. Ka wasaaradda qorsheyn ahaan waxaan xoojin donaa doorka hoggaanka isku-dubaridda mashaariicda iyo istaraajiyadaha lagu horumarinayo adeeggyada bulshada. tasoo ah howlaha baaxada leh qaranka u hayso.

“Horumarinta iyo ballaarinta awoodda koronto nadiif ah, waxey innoo leedahay ahmiyadd gaar ah, tasoo bulshada Soomaliyeed ee xagga horumarka qeyb lixaad leh ka qaadanayso arrimaha bulshadha iyo mid dhaqaala ba.

Waxaan ognahay fursadaha kala duwan ee uu dalku haysto ee isugu jira, tamar laga dhalin karo koronto Cagaaran ee cadceedda, isla markaana door wayn ka qadanayso ballaarinta noocyada kala duwan ee ganacsiga iyo dhaqaalaha, sida ku xusan Qorshaha Horumarinta Qaranka NDP-9, si loo helo koranto raqiis ah.” Ayuu yari wasiirka Qorsheynta.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More