Wasiirka Amniga XFS “Madiera ayaa dalkan ka sii shaqeynaya wax dhacaya maaha”

April 10 (Jowhar.com)-Wasiirka Amniga Soomaaliya C/llaahi Maxamed Nuur ayaa sheegay ineysan sinnaba suura gal ku eheyn inuu dalkan dib ugu soo laabto wakiilka Midowga Afrika Danjire Francisco Madeira oo dhawaan ra’iisul wasaare Roovle uu u jaray warqadda aan dalka looga baahneyn.

“Madeira oo ah qofka la garanayo ayaa dalka dib ugu soo laabanayo kana sii ahaanayo Danjire wax dhacaayo ma aha, iyaguna way garan karaan, waana arki doontaan haddii aysan noqon saacadaha soo socda in maalmaha soo socda sheekadaas way iska dhammaaneysaa” ayuu yiri Ina Maxamed Nuur.

Wasiirka oo sii hadlaya ayaa dhinaca kale sheegay in rajada haatan la qabo ay tahay oo kaliya dhaarinta xildhibaanada cusub, hadey taasi dhacdana ay ka dhigan tahay in laga gudbay waqtiga kala guirka oo dalka xaalad adag galiyay, loona diyaar garoobo isbedel dalka ka dhaca.

“Dalka Soomaaliya haddii ay suurtogasho oo Xildhibaannada la doortay ay dhaartaan waxa aan aaminsanahay in 90% lagu guuleystay kala guurka, haddii ay dhici wayso maalinta loo asteeyay oo ah 14ka Bishaan waxa aan aaminsanahay in aan ku jirno khatar weyn balse waxa aan ku rejo weynahay in aysan dhicin si dabinada looga hortago, Dadkaan aan waxba ka duwaneen ismiidaamiyaasha suunka isku soo xira waxa aan leeyahay shacabka Soomaaliyeed waa in wadajir aan uga hortagnaa”  ayui hadalkiisa sii raaciyay.

Wasiir C/llaahi Maxamed Nuur oo kamid ah garbaha uu ku tashto ra’iisul wasaare Rooble ayaa dhinaca kale sheegay in madaxweyne Farmaajo aanu u diyaarsaneyn inuu madaxtooyada baneeyo, haatanna uu u soo qalab qaatay sidii uu isaga hor-keeni lahaa Shacabka Soomaaliyeed iyo ciidanka dalkan u joogs nabad ilaalinta.

“Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday sidiisaba waa nin aaminsan in uu dhex fadhiyo Villa Somalia, waa nin jeclaan lahaa haddii uusan sii joogi Karin in uu dalka u gacangeliyo Al-Shabaab, waxa uu ka shaqeynayaan sidii uu isaga hor keeni lahaa Shacabka Soomaaliyeed iyo ciidanka Nabad ilaalinta Dalka u jooga”  ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More