Wasiirka Arrimaha dibbada oo ka qeybgalaya shirka Madasha Antalya

Mar 8 (Jowhar.com) – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisaciid Cali Muuse ayaa la filayaa in uu dalka Turkiga uga qeyb galo Madasha Diblomaasiyadda ee Antalya, kaasi oo diiradda lagu saari doono caqabadaha ka jira Caalamka.

Munaasabadan oo ay ka soo qeyb galayaan hogaamiyayaal siyaasadeed, ra’yi-bixiyeyaal iyo aqoonyahanno ayaa loo qorsheeyay in ay qabsoomto March 11-13 ee magaalada loo Dalxiiska tago ee Antalya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa hadda ku sugan Qaahira, Masar si uu uga qayb galo Kalfadhiga 157-aad ee Golaha Jaamacadda Carabta ee Heerka Wasiirada Arrimaha Dibadda.

Xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya ayaa ah mid soo jireen ah oo soo taxnaa ilaa Boqortooyadii Cusmaaniyiinta.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More