Wasiirka arrimaha gudaha Fiqi oo Muqdisho kula kulmay wafdi sare oo ka socday IOM

Oct. 19 (Jowhar.com) -Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Hay’adda Socdaalka Aduunka (IOM).

Kulankan uu sidoo kale goobjoog ka ahaa agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Caydaruus Xasan ayaa waxaa dhanka hey’adda IOM hoggaaminayey David Womble oo ah isu duwe sare xagga mashaariicda, waxaa kale oo ku wehliyey qaar ka tirsan howlwadeennada xafiiska hey’adda ee Soomaaliya.

Inta uu shirka socday arrimaha ay labada dhinac xoogga saareen waxaa ka mid ahaa arrimaha xasillinta iyo guud ahaan dib u heshiisiinta.

Wasiirka Wasaaradda arimaha gudaha XFS mudane Axmed Macallim Fiqi oo kulanka ka hadlay ayaa bogaadiyey wadashaqeynta ay hey’adda IOM la leedahay wasaaradda iyo guud ahaan xukuumadda, isaga oo intaa raaciyey in ay si dhow ula shaqeyn doonaan.

Mudane Fiqi ayaa adkeeyey in kulankan iyo midkii ka horreey iyo kuwa soo socdaba uu ujeedku yahay howlo farsamo oo looga arrinaanayo xoojinta dadaallada lagu taageerayo dagaallada ka dhanka ah argigixisada Al-shabaab, sidii ay usoo kaban lahaayeen deegaannada howlagallada ka socdaan iyo weliba xasilllintooda, iyada oo ay meeshana ka marneyn dib u heshiisiinta.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More