Weerar is qarxin ah oo goordhow ka dhacay Muqdisho iyo faah faahin ka soo baxaya

Qof xirnaa jaakadaha qarxa ayaa goordhow isku qarxiyay goob maqaaxi ah oo ku taal degmada Shingaani ee magaalada Muqdisho.

Sida wararku sheegayaan qaraxa ayaa dhacay abaarihii 7-dii fiidnimo, waxaana la sheegay in khasaare kala duwan uu jiro.

Ninka is qarxiyay ayaa beegsaday goobta maqaaxida shaaha lagu iibiyo oo aan sidaa uga fogeyn goob kale oo Qaadka lagu iibiyo.

Sidoo kale goobta qaraxa ka dhacay ayaa ku dhow Saldhigga Booliska degmada Shingaani iyo Wasaaradda Gaadiidka.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya inuu jiro dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay qaraxa ismiidaaminta.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More