Xabad joojin laga dhaqan geliyay maleeshiyo beeleedyo ku dagaalamay Galmudug

Wararka ka imanaya Galmudug ayaa sheegaya xabbad joojin laga dhaqan galisay degaanka Dhagtuur ee Koofurta gobolka Mudug kadib markii maleeshiyo beeleed ku dagaalamay ay iska dileen illaa saddex ruux.

Mas’uuliyiin isugu jira maamulka Gobolka Mudug, Xildhibaanno ka tirsan Galmudug, Saraakiisha Laamaha Amniga Galmudug oo ka kooban Daraawiishta iyo Booliska, Odoyaasha Dhaqanka iyo Ganacsato labada dhinac ee dilalku dhexmartay ayaa ku baxay daminta xiisaddaan dagaal, kuwaas oo ku guulaystay baajinta inaan dhib kale dhicin.

Dhinacyada oo ku kulmay duleedka Degaanka Dhagaxtuur ayaa wada gaaray heshiis ah in xiisadda la damiyo, isla markaana la isugu yimaadomaalinta kulan weyn oo lagu soo afjarayo khilaafka ka dhaxeeya labada dhinac.

Deegaano ka mid ah Maamulka Galmudug ayaa waxaa ka dhaca dagaalo ku salaysan aargoosi iyo khilaafka dhinaca daaqsinka iyo dhulka la xiriira.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More