Wararkii ugu dambeeyay xiisad dagaal oo ka taagan magaalada Baraawe

Wararka ka imanaya magaalada Barawe ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in xaalada magaalada Baraawe ay saaka degen tahay kadib dagaal shaly ka dhacay magaalada.

Dadaalo lagu doonayo in lagu xaliyo xiisada ka dhalatay doorashada golaha deeganka degmada Baraawe ayaa waxaa ka socda magaalada iyadoo maamulka Koofurgalbeed uu bilaabay shirar uu la yeelanayo qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Baraawe.

Sidoo kale Maamulka gobolka Shabelaha Hoose ayaa kulamo la qaatay saraakiisha amaanka ciidamada AMISOM ee ka howlgala magaalada Baraawe.

Guud ahaan doorashadii golaha deegaanka ayaa hakad ku yimid kadib dagaal shalay ka dhacay magaalada Baraawe.

Maleeshiyo qaab beeleed u abaabulan oo ka so horjeeda sida ay loo qeybiyay kuraasta golaha deegaanka Baraawe ayaa weeraray ciidamada ammaanka ee sugayay goobta ay doorashada ka dhacaysay.

Qaar ka mid ah beelaha dega degmada Baraawe ayaa saluugsan qaabka loo qeybiyay kuraasta golaha deegaanka Baraawe.

Magaalada Baraawe oo kamid ah magaalooyinka la qorsheeyay inay ka dhacdo doorashada golaha shacabka ayaa haatan shaki laga muujinayaa sida ay ku dhici karto doorashada golaha shacabka iyadoo ammaanka doorashada golaha deegaanka amni la’aan awgeed loo joojiyay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More