Ra’iisul wasaare Rooble oo ka dhabeeyay balanqaad uu u sameeyay agoonta Ciidanka Booliska.

May 31 (Jowhar.com)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xarigga ka jaray dugsiga hoose dhexe ee agoonta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo dhawaan loo dhisay qaab casri ah.

Agoonta Booliska Soomaaliyeed ee ay ka dhinteen askartii naftooda u huray qaranka, ayaa horey wax ugu baran jirey dhisme ka sameysan jiinkad oo wax yeelo u geysanayay xiliyada kulaylaha,

Ra’iisul Wasaare Rooble oo booqasho ku tagay xarunta agoonta Ciidanka booliska Soomaaliyeed 24 kii bishii Janaayo ee sanadkii 2021 oo ka damqaday goobta ay wax ku baranayaan, ayaa amray in iskuulka loo badelo mid u qalma ilmo ay ka dhinteen muwaadiniinta naftooda u horey qaranka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More