Xildhibaan Odowaa oo sheegay in Shabaab looga dacwooday dhibaatada ‘ciyaal weero’

April 17 (Jowhar.com) – Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa oo ka tirsan golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka digay halis weyn oo ka soo fool leh ‘ciyaal weero’ , wuxuuna ku baaqay in dowladda iyo laamaha amniga ee Muqdisho xil adag iska saaraan wax ka qabashadooda.

Mr. Odowaa oo ka hadlayay munaasabad lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xogaha uu hayo ay muujinayaan in dadka ku dhaqan degmada Dharkiinleey oo ah kuwo ugu daran ee dhibtan heysata ay u dacwoodeen kooxda Al-Shabaab, maadaama laamaha amniga caasimadda ay wax ka qaban waayeen casbashada waalidiinta oo dhowr jeer u tagtay.

“Waxaa la ii sheegay in xaafado ka tirsan degmada Dharkenley ay dadka ku nooli Shabaab la xariireen, iyagoo uga dacwoonaya ciyaal weero, waxay habeen dhow dileen 3-qof, xaafadaha qaarna guryihii ayaa looga qaxay,” ayuu yiri mudanahan oo ka hadlayay munaasabad afur loogu sameynayay.

Xildhibaan Odowaa ayaa sheegay in dadka reer Muqdisho maalinba dhibaato cusub loo abuurayo, isagoo shaaciyay in mudooyinkii la soo dhaafay dhibaatooyin lagu qabay Shabaab iyo dhaca ciidanka dowladda ee tilifoonada balse haatan ay soo bexeen dhalinyaro koox koox u abaabulan, hoggaan leh oo la baxay ‘ciyaal weero’ .

“Xaafado dhan oo ka tirsan magaalada Muqdisho ayaa ciyaal-weero looga qaxay, iska dhaaf Shabaab iyo ciidan dowladeed oo taleefano furtaye, waxaa dadkii laga celi la’yahay ciyaal weero kaliya,” ayuu yiri hadalkiisa sii raaciyay mudanahan baarlamaanka ka soo gala magaalada Gaalkacyo.

Si kastaba, Mushkiladaan lasoo deristay dadka shacabka ah ee ku nool inta badan xaafadaha magaalada Muqdisho ayaa ah ‘ciyaal weero’ dadka dhacaya, dilaya, haweenka kufsanaya, gaadiidka iyo guryahana burburinaya, mana jirto wax talaaba ah oo ficiladaasi ka dhan ah oo ay sameynayaan taliyayaasha 17-ka degmo ee gobolkan Banaadir.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More