Xiriirka Ciyaaraha Fudud ee Dunida oo aqbalay xil ka qaadistii Khadiija Aadan Daahir

Aug. 08 (Jowhar.com)-Xiriirka Ciyaaraha Fudud ee Dunida IAAF ayaa aqbalay, islamarkaana taageeray xil ka qaadisti lagu sameeyay Guddoomiyaha Xiriirka cayaaraha Fudud ee Soomaaliya Khadiijo Aadan Daahir.

Barta ay internetka ku leeyihiin Xiriirka Ciyaaraha Fudud ee adduunka ayaa waxaa magacii Khadiijo oo ahaa gudoomiyaha lagu badalay Faarax Cali Macallin oo ah hadda sii hayaha gudoomiyaha.

Xoghayaha guud ee ururka ayaa ah Cabdiraxmaan Cusmaan Axmed sida lagu qoray bartaas.

Tallaabada Xiriirka Ciyaaraha Fudud ee Dunida IAAF ayaa ah mid muujinaysa in uu dhaqangalay amarkii xil ka qaadista ee lagu sameeyay Khadiijo Aadan Daahir.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay ka dib markii dhawaan wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha Soomaaliya Maxamed Barre Maxamuud uu amray in shaqada laga joojiyo Gudoomiyaha Xiriirka Cayaaraha Fudud ee Soomaaliyeed Khadiijo Aadan Daahir.

Go’aankan ayaa ah mid la xiriiray fadeexad ka dhalatay sida loo xulay gabar Soomaaliya ku matashay tartanka orordada Jaamacadaha Adduunka.

Guddiga olombikada Soomaaliyeed ayaa dhankooda dhaqangaliyay amarka wasiirka waxayna ku dhawaaqeen in ay shaqada ka joojiyeen guddoomiyihii xiriirka ciyaaraha fudud ee Soomaaliya, Khadiijo Aadan Daahir.
Hase yeeshee,Khadiija waxay beenisay in ay wax lug ah ku leedahay arrinta shaqada looga joojiyey, ayadoo sheegtay in “cayaarahaas ay yihiin cayaaro jaamacadeed, ayna ka qayb galayaan ardayda jaamacadaha”.

“Xiriirka cayaaraha fudud wixii khuseeya ayaan ka hadli karnaa” ayey tiri Khadiija oo u warramaysay Astaan Sports. Waxay intaa ku daratay “haddii aan comment ka bixiyo gabar yar oo markaas soo qalin jabisay oo ku jirta ayraboorka oo saxaafadda u timid, weligeedna aan saxaafad soo hor istaagain waad dareemi kartaa khalkhalka ay galayso, 10 iyo 100 waxay rabto ayey dhihi kartaa” ayey sii raacisay.

Khadiijo Aadan Daahir waxay sheegtay in qaban-qaabiyeyaasha cayaarahaas ay muhiim u tahay, oo “xiriirkana aysan wax uga weydiin karin” in loo baahan yahay in la helo arday markaas jaamacadda ku jira, bacdamaa “la rabo ardayga kaarkiisa”.

Marnaba kama aysan hadlin xiriirka xagga qoyska ee ka dhaxeeya ayada iyo Nasra Abuukar Cali.

Hadalheyn heyn badan ayaa ka dhalatay gabar ku ordaysa magaca Jaamacadaha Soomaaliya oo ka qaybgashay tartanka Jaamacadaha dunida ee lagu magacaabo FISU, oo sannadkan lagu qabtay magaalada Chengdu ee dalka Shiinaha.

Gabdhaas ayaa wareeggii hore ee is-reeb-reebka ka gashay meel aad u hoosaysa. Arrintan ayaa dhalisay in su’aalo la iska weydiiyo diyaargarowga tartankan ee jaamacadaha.

Khadiija waxay xilka xiriirka guddoomiyenimada cayaaraha fudud haysay muddo uu ku qiyaasay Maxamed Muxudiin Xuute oo ka mid ah bahda cayaaraha ee Soomaaliya inay gaarayso 8 sano.

“Khadiijo waxay xilka la wareegtay markii uu geeriyooday guddoomiyihii xiriirka Maxamed cali Maxamed oo Dubai ku geeriyooday maadaama ay guddoomiye ku xigeen ka ahayd xiriirka, kadibna doorashadii la qabatay ayey ku guulaysatay guddoomiyenimada” ayuu yiri Maxamed Muxudiin Xuute.

Khadiija Aadan Daahir waxay hore uga mid ahayd cayaartoyda cayaaraha fudud ee Soomaaliya, waxayna ku biirtay xiriirka cayaaraha fudud markii uu dalku burburka galay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More