Cabdi Xaashi iyo Siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland oo ka hor-yimid jadwalka doorashada

Guddoomiyaha Aqalka Sare, Siyaasiyiinta iyo odayaasha dhaqanka ka soo jeeda Gobolada Waqooyi Somaliland ayaa ka soo horjeestay jadwalka doorasho ee ay soo saareen Guddiga lagu muransan yahay ee doorashada heer Federaal.

War saxaafadeed ka soo baxay ayaa waxay ku sheegeen in guddiyada dowladdu ku magacawday wadatashi la’aanta ee u badan shaqaalaha dowladda, ciidanka, la taliyeyaasha iyo taageerayaasha aanay wax sharciyad ah heysan inay qabtaan doorashada Xildhibaannada ka soo jeeda Somaliland, balse cida kaliya ee awoodda u leh inay qabato doorashada ay tahay guddiga doorashada oo ku yimid wadatashiga ee uu magacaabay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi

Maamul goboleedyada iyo Musharaxiinta xilka Madaxweynaha ee 2021, bulshada rayidka iyo beesha caalamka  ayaa loogu baaqay in la joojiyo qabashada doorasho aan guddiyadeeda iyo habraacyadeeda heshiis lagu aheyn, isla markaana aan si siman dalka uga qabsoomeyn.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More