Madaxweynaha Hirshabelle oo si weyn loogu soo dhoweeyay Mugadishu

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Muqdisho, oo uu ku soo gaaray booqashadii u horreeyay tan iyo markii xilka loo doortay.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Ra’iisul Wasaarihii hore, Madaxweynihii hore ee Hirshabelle, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka, Xildhibaano iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Waxaa la filayaa inta uu Muqdisho joogo inuu Madaxweyne Guudlaawe la kulmo Madaxda ugu sareysa dowladda iyo Xildhibaannada ka soo jeeda Hirshabelle.

Socdaalkiisa Muqdisho ayaa ku soo aadaya, iyadoo inuu bilowdo shir u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada oo looga hadlayo xalinta tabashooyinka ka jira doorashooyinka.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More