Gudoomiye Aadan Madoobe oo ganaax dul dhigay 20 xildhibaan
Apr 30(Jowhar) Gudoomiyaha Golaha Shacabka sheekh Aadan Madoobe ayaa Fadhiyada Golaha ka joojiyey 20 xildhibaan.
Gudoomiye Aadan Madoobe ayaa ku sababeeyay mamnuucista uu dul dhigay Mudanayaashan inay wadaan amni daro ka dhan Golaha.
Arrintan ayaa daba socota fowdo manata hareeyay kulankio baarlamaanka, iyadoo wasiiro ka tirsan xukuumada la arkayay iyagoo gacan qaad sameynaya, walow aan lagu soo darin xildhibaanada ganaaxa ui saameeyay.
Dhinaca kalena, xildhibaanadan la ganaaxay oo qaarkood caawa la hadlay warbaahinta gudaha ayaa ku eedeeyay gudoomiye Aadan Madoobe inuu takoor ku sameeyay mudane baarlamaan, sidoo kalena uu qeyb ka ahaa fowdadii maanta ee baarlamaanka.
Sidoo kale siyaasiyiin miisaan culus oo ay lamid yihiin Sheekh Shariif, Xasan Khayre, Maxamed Xuseen Rooble iyo CC Warsame ayaa iyaguna qaskii baarlamaanka dusha kaga tuuray gudoomiye Aadan Madoobe.