Shabaab oo Shan kamid ah shaqaalaha dhagaxa qodo ku dishay magaalada Mandheera

Apr 30(Jowhar) Booliska Kenya ayaa sheegay in kooxda Shabaab ay dishay Shan ka mid ah shaqaalaha dhagaxa qoda, halka laba kalena ay dhaawacday ka dib markii kooxda ay weerar ku qaaday baabuur ay wateen shaqaalaha oo marayay meel u dhow tuulada Bor Abor ee gobolka Mandheera.

Boolisku waxey sidoo kale sheegeen iney soo badbaadiyeen 13 qof oo kale oo u cararay dhanka duurka, kuwaasoo haayan laamaha amniga ay su’aalo weydiinayaan.

Kooxda Shabaab ee weerarkan fulisay ayaa sidoo kale hore usii qaadatay tilifoono iyo kaarar Aqoonsi ay wateen shaqalaha ay weerarka u dhigeen.

Ciidamada Booliska Kenya ee gobolka Waqooyi Bari ayaa tilmaamay in kooxda weerarka kadib au u baxsatay dhinaca Soomaaliya oo ay markoodii hore ka yimaadeen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More