Toogasho ka dhacday Sweden oo 3 ruux ay ku dhinteen

Apr 29 (Jowhar)-Ugu yaraan saddex qof ayaa lagu dilay toogasho ka dhacday magaalada Uppsala ee dalka Sweden, sida ay booliisku sheegeen.
Bayaan ay soo saareen Boolidku ayay ku sheegeen inay taleefoono ka heleen dad shacab ah oo maqlay dhawaaq rasaas laga ridayo meel u dhow fagaaraha Vaksala ee bartamaha magaalada Uppsala oo qiyaastii 60km (37 mayl) dhanka waqooyi kaga beegan caasimadda Stockholm.

Ciidamo gurmad ah ayaa goobta ku sugnaa, waxaana la bilaabay baaritaanka dilka, sida ay booliisku ku dareen.

Telefishinka dadweynaha Sweden ee SVT ayaa sheegay in tuhmanaha uu ku baxsaday mooto.
Booliisku ma aysan bixin wax tafaasiil ah oo ku saabsan ujeedada ka dambeysa dilka iyo weliba dambiilaha lagu eedeeyay.

Dalka Waqooyiga Yurub ayaa waxaa soo wajahay mowjado rabshado la xiriira gaangiska muddo ka badan toban sano.

Dawlad tiro yar oo garabka midig ah ayaa xukunka la wareegtay 2022 iyadoo ballan ku qaaday inay wax ka qabato rabshadaha la xiriira kooxaha gaangiska ah.

Bishii Febraayo, 10 qof ayaa lagu dilay magaalada Orebro ee dalka Sweden toogasho wadareedkii ugu dhimashada badnaa ee abid ka dhaca, kadib markii nin 35 jir shaqo la’aan ah uu rasaas ku furay arday iyo macalimiin wax ka baranayay xarunta waxbarashada dadka waaweyn.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More