Gudoomiyaha golaha shacabka oo u ambabaxay dalka Algeria

May 01(Jowhar)Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u ambabaxay Magaaladda Algiers ee caasimadda wadanka Algeria.

Gudoomiyaha ayaa halkaas uga qeyb geli doono shirka Guddoomiyaasha Baarlamaanadda Carabta oo maalmaha soo socda furmi doona.

Shirka Guddoomiyaasha Baarlamaanadda Carabta ayaa sanadkan looga hadli doonaa arrimaha wadamada Carabta gaar ahaan xaaladda wadanka Falastiin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More