Israel oo 24 qof Falastiiniyiin ah ku dishay xero gargaar lagu iibiyo oo Qaza ki taalo

Jun 03(Jowhar) Agaasimaha Guud ee cisbitaalka Nasser ee Khan Younis ayaa sheegay in 24 qof ay dhinteen 37 kalena ay ku dhaawacmeen “kaddib markii ciidamada Israel ay rasaas ku fureen dad rayid ah oo gargaar ku sugayay Rafah.

Waxa uu sheegay in dhamaantood la geeyay cisbitaalka, ayna u badan yihiin dhaawacyo rasaas ah.

Ciidammada difaaca Israa’iil ee IDF ayaa sheegay in ay rasaas rideen kadib markii uu “tuhun” ka abuurmay meel u dhow goob gargaar lagu qaybinayay, ayna ka warheleen khasaaraha ka dhashay.

Qaar ka mid ah markhaatiyaasha ayaa sheegay in dadku ay isugu jireen haween, carruur iyo waayeel, kuwaas oo sugayay in ay helaan raashin iyo biyo, kuwaas oo aad ugu baahnaa. Mid ka mid ah shaqaalaha gargaarka ee goobta ku sugnaa ayaa sheegay in rasaastu ay si lama filaan ah u bilaabatay, iyadoo aan wax digniin ah la bixin.

Hay’adaha gargaarka caalamiga ah ayaa si kulul u cambaareeyay dhacdadan, iyaga oo sheegay in ay ka walaacsan yihiin badqabka dadka rayidka ah ee ku sugan Rafah iyo guud ahaan Marinka Qaza. Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday dhinacyada dagaalamaya in ay ilaaliyaan sharciga caalamiga ah, isla markaana aysan beegsatin goobaha gargaarka iyo dadka rayidka ah.

Dhinaca kale, Wasaaradda Caafimaadka ee Qaza ayaa sheegtay in tirada dhaawacyadu ay kordhi karto, maadaama qaar ka mid ah dadka la toogtay xaaladoodu ay aad u liidato. Waxay sidoo kale ugu baaqday beesha caalamka in ay si degdeg ah gargaar caafimaad u fidiyaan dadka waxyeelladu soo gaartay.

Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo xaaladda bini’aadanimo ee Qaza ay sii xumaanayso, waxaana dadku la daalaa dhacayaan cunto yari, biyo la’aan iyo adeegyo caafimaad oo xaddidan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More