Ruushka oo markii labaad duqeyn ka fuliyay dalka Ukraine
Jun 07 (Jowhar) Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay in ka badan 20 kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii Ruushka uu duqeymo ka fuliyay dalka Ukraine,kuwaasoo isugu jira gantaallo, iyo diyaarado aan duuliye lahayn.
Ciidamada Cirka ee Ukraine ayaa sheegay in Ruushku uu ku garaacay 215 gantaal iyo diyaarado aan duuliye lahayn, waxaana difaaca cirka ee Ukraine ay soo rideen oo ay baabi’iyeen 87 diyaaradood oo aan duuliyaha lahayn iyo 7 gantaal.
Ugu yaraan saddex qof ayaa lagu dilay 17 kalena, oo ay ku jiraan laba carruur ah, waa lagu dhaawacay magaalada waqooyi-bari ee Kharkiv, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay duqa magaalada Ihor Terekhov.
Weerarkan ayaa lagu tilmaamay inuu ahaa kii ugu xoogga badnaa ee magaalada tan iyo markii Ruushku bilaabay duulaanka buuxa ee uu ku qaaday Ukraine sanadkii 2022.
Duqa magaalada Kharkiv ayaa intaa ku daray in 48 diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ah oo ay Iran samaysay, laba gantaal iyo afar bambaanooyin la hagayey lagu garaacay ka hor waaberiga magaalada oo ay ku nool yihiin 1.4 milyan oo qof, oo ku taalla meel 50km (30 mayl) u jirta xudduudda Ruushka.
Kor u kaca weerarada Ruushka ayaa daba socda howlgal ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine dhamaadkii todobaadkii hore kaas oo waxyeelo u geystay diyaarado military oo ku sugnaa saldhigyada ciidamada cirka ee Ruushka ee ka dambeeya jiidda hore, oo ay ku jirto Siberiya.
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ballan qaaday in uu ka aargoosan doono weerarkaas oo la sheegay in Kyiv uu qorsheeyey muddo 18 bilood ah iyadoo la adeegsanayo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo si qarsoodi ah lagu geliyay dalka Ruushka.