Trump oo u digey Musk in uu dhaqaale siiyo Xisbiga Dimuqraadiga

Jun 07 (Jowhar)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa uga digay bilyaneerkii ay hore saaxiibada ahaayeen Elon Musk inuu maalgeliyo musharraxiinta xisbiga Dimuqraadiga doorashada xilliga dhexe ee 2026-ka, iyadoo khilaafkoodu uu si xoogeysanayo.

Trump ayaa wareysi uu siiyay warbaahinta Maraykanka ee NBC News waxa uu ku sheegay in cawaaqib xun uu la kulmi doono Musk haddii uu isku dayo inuu dhaqaale siiyo xisbiga Dimuqraadiga doorashada xilliga dhexe ee 2026ka.

“Waxa uu la kulmi doono cawaab xun haddii uu taageero xisbiga Dimuqraadiga,” ayuu yiri Trump oo aan cadeyn tallaabada uu ka qaadi doono Elon Musk iyo saameynta ay ku yeelan karto maalqabeenka ganacsigiisu ay ka faa’iideystaan ​​qandaraasyada federaalka ee Maraykanka.

Warkan ka soo yeeray Trump ayaa jawaab u ahaa hadal uu sheegay dhawaan Elon Musk taasoo uu ugu hanjabay mudanayaasha xisbiga Jamhuuriga inuu talaabo ka qaadi doono oo aysan soo laaban doonin doorashada dhexe ee 2026.

Donald Tump ayaa wareysiga uu siiyay shabakada CBS News waxa uu ku sheegay in uu filayo in xiriirkii kala dhexeeyay Musk uu soo idlaaday.

Hase yeeshee, Maalqabeenka Musk ayaa tirtiray dhowr qoraallo oo uu ku qoray bartiisa X taasoo la xiriiray khilaafka kala dhexeeyay Trump.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More