Dilal ka kala dhacay magaalooyinka Gaalkacyo iyo Hargeysa

Jun 08 (Jowhar)-Waxaa magaalooyinka Hargeysa iyo Gaalkacyo ka kala dhacay 24kii saac ee ugu dambeysay dil loo geystey illaa afar ruux oo labo qoys ka soo kala jeeday.
Dabley hubeysan ayaa waxaa ay magaalada Gaalkacyo xalay ku dileen lammaane qoys ahaa kuwaasoo saarnaa gaari nooca raaxada ah.

Ma cadda illaa hadda sababta keentay weerarka lagu diley labadan ruux ee ahaa nin iyo haweeneydii u dhaxday.

Dhinaca kale waxaa magaalada Hargeysa ee caasimada maamulka Somaliland lagu diley hooyo iyo ilmo yar oo ay dhashay.

Dilkan ayaa la sheegay inuu geystey askari ka tirsanaa ciidamada Soomaaliland waxaana uu ahaa askarigan seyga haweeneyda la diley iyo aabaha ilmaha yar ee lala diley.

Maydka iyo dhaawaca ayaa si degdeg ah loogu qaaday Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, halkaasoo hadda lagu dabiibayo dumaashida dhaawacantay, halka labada ruux ee kale la xaqiijiyay geeridooda.

Dilalkan ka dhacay magaalooyinka Gaalkacyo iyo Hargeysa ayaa aad looga naxay iyadoo magaalooyinkaana ay ka mid yihiin kuwa ugu ammaanka wanaagsan dalka Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More