Wadamada G-7 oo war-murtiyeed kasoo saaray xaaladda Bariga Dhexe
Jun 17 (Jowhar)-Wadamada loo yaqaano G-7 oo shir uga socda magaalada Alberta ee dalka Canada ayaa soo saaray war-murtiyeed wada jir ah. Waxayna yiraahdeen.
Anaga oo ah madaxda G7, waxaan ku celcelinaynaa sida ay nooga go’an tahay nabadda iyo xasiloonida Bariga Dhexe.
Xaaladdan oo kale, waxaan ku xaqiijineynaa in Israa’iil ay xaq u leedahay inay is difaacdo. Waxaan ku celinaynaa taageeradayada ammaanka Israa’iil.
Waxaan sidoo kale xaqiijineynaa muhiimadda ay leedahay ilaalinta dadka rayidka.
Iran waa isha ugu weyn ee xasilooni darida gobolka iyo argagaxisada.
Waxaan si joogto ah u caddaynay in Iran aysan weligeed yeelan karin hub nukliyeer ah.
Waxaan ku boorineynaa in xallinta xiisadda Iran ay horseeddo dejinta colaadaha Bariga Dhexe, oo ay ku jirto xabbad-joojin laga hirgeliyo Qasa.
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa durbaba isaga baxay shirkaas, sababo lagu sheegay colaadda ka socota Bariga Dhexe.
Ma cadda ujeedka iyo sababta uu Trump dhaqsi uga baxay shirkaas.