Deni oo soo dhaweeyay dhismaha Golaha Samatabixinta mucaaradka

Jun 15 (Jowhar)-Puntland ayaa markii u horeysay soo dhaweysay dhismaha Golaha Samatabixinta ee Muqdisho ee ay mucaaradka qaarkood ku dhisteen magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo la hadlayay baarlamaanka maakulkiisa ayaa  sheegay in talaabadaas ay tahay mid wanaagsan oo uu soo dhaweynayo.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Golaha Samatabixinta ay miiska keenen go`aano ay horey Puntland u gaartay 2022-kii.

Deni ayaaa dhinaca kale sheegay  in Argagixisadii Daacish lasoo afjaray 98%, wuxuuna ku faanay in maamulkiisa ka go’an yahay dagaalka lagu ciribtirayo kooxdan.

“Puntland, Taariikhdeeda laguma hayo Argagixiso ay dugsatay, duniduna waa noo soo istaagtay, dadka Soomaaliyeedna waxaan rabnaa in laysku tashado oo laga adkaado Argagixisada” MW Puntland ayaa sidaas ka hor sheegay mudanayaasha baarlamaanka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More