Agaasimaha cusub ee NISA Mahad Salaad oo magacaabistii ugu badneyd halmar sameeyay
Jun 15 (Jowhar) -Agaasimaha cusub ee NISA Mahad Maxamed Salaad oo shalay xilka la wareegay ayaa durba sameeyay xil ka qaadis iyo magacaabis saameyneysa qeybaha kala duwan ee hay’ada.
Tallaabadan ayaa lagu micneeyay si loo dardar galiyo shaqada sugidda amniga asiga oo hal warqad ku magacaabay xubno dhawr ah.
Agaasime Mahad Salaad ayaa taliyaha NISA ee gobolka Banaadir u magacaabay Liibaan Cabdiraxmaan Aadan (Gacameey), wuxuuna xilkaasi ka waaday Cabdifitaax Shaawey.
Kaaliyaha Amniga ee Hay”adda NISA ayuu u magacaabay Aadan Dheere oo xilkan hore u hayay balse Sanbaloolshe uu ka qaaday.
Taliyaha Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde waxa uu u magacaabay Xamdi Xasan oo iyaduna xilkan hore u heysay.
Taliyaha Guutada ilaalada Shacabaka Gobalka (Dharcadda) waxa uu magacaabay Macalin Saalax.
Waxa uu sidoo kale xilalka ka qaaday dhowr Agaasime waaxeed oo ka tirsan hay’ada, sida xogaha ay muujinayaan.
Marka laga soo tago Taliyaha NISA ee gobalka oo xilkaan ku cusub yahay inta kale horay ayay usoo haayeen meelaha loo magacaabay muddo xileedkii hore ee Agaasime Mahad Salaad uu hay’ada joogay.